Dhageyso:-Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay xiriirka Kenya

0
82

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeeratey safiirkeedii Kenya shaley iyadoo sidoo kalena u dirtey safiirka Kenya wadatashi, taas oo dood xasaasi ah dhalisay.

Dowlada federaalka ayaa ku eedeysey dowlada Kenya in ay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya iyo doorashada, ayada oo u adeegsaneysa, sida ay hadalka u dhigtay, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dhinaca kalena, dawladda Kenya ayaa galabta soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso inaysan wax wargelin oo rasmi ah ka helin dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Kenya ay faragelin ku sameeysay Arrimaha Soomaaliya , taasina ay keentay Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadatay.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba aysan fareglin ku sameyneyn wadan kale arrimihiisa, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo Madax bannaanideena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here