DHAGEYSO:-XILDHIBAAN KATIRSAN BKGS, OO XAQIIJIYEY..

0
105

Baydhabo Somaliya-{SMC}-Xildhibaan Madkariin Mad Aftiin(Modiyoow) oo ka tirsan BKGS, oo u waramay Idaacadda Warsan ayaa xaqiijiyey in aan lakala dirin Xildhibaanada KGS, oo tan iyo shalay la isla dhexmarayey in madaxweynaha KGS, uu kala diray Baarlamaanka.

“Kulankii shalay waxaa uu ahaa mid qada sharaf ah oo xildhibaanada KGS, iyo madaxweynaha isku waraysanayeen maadaama uusan madaxweynaha marba uusan u helin waqti badan xildhibaanada oo kulman, waxa ay dadka buunbuuninayaan ee ah in la kala diray BKGS, ayaa ah in madaxweynuhu u sheegay in uusan jirin wax muddo kororsi ah oo baarlamaan cusub la soo dhisi doono xildhibaanada isku diyaariyaan doorasho”. Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Modiyoow.

Hadalka xildhibaanka ayaa waxaa uu meesha ka saarayaa hadaladii la isla dhexmarayey ee ahaa in la kala diray BKGS, waxaana sidoo kale uu sheegay in xildhibaanada KG, u harsanyahay hal kalfadhi oo ka hartsan muddo xileedkooda oo ku eg ilaa dhamaadka sanadkan bisha Desember, 2019ka, inta laga helayo Baarlamaan la soo doortay oo baddella kan hadda jira Baarlamaankan ayaa sii shaqaynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here