Dhageyso:-Xildhibaan shaaciyay waxa keenay walaaca laga qabo doorashada

0
26

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay in Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Xubno kamid ah Beesha Caalamka ay muujiyaan walaac ay ka qabaan doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Bisha sideedaad ee sanadkaan uu qorsuhu ahaa in la bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Bisha December ee sanadkaan la soo geba-gabeeyo doorashada Xildhibaannada,hayeeshee taasi aysan muuqaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Madaxda Dowladda Federaalka aysan u muuqan kuwa doonaya inay qabtaan doorashada,isla markaana taasi ay walaac ku abuurtay xildhibaannada qaar iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda ay horay u balan qaadeen doorasho waqtigeeda ku dhacdo balse ay iyaga u muuqato in taasi ay mugdi gashay,waxaana Madaxda Dowladda uu ugu baaqay inay si deg deg ah doorashada waqtigeeda ugu qabtaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiinta mucaaradka iyo xubno kamid ah Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay doorasho waqtigeeda ku dhacda walow madaxda Sare ee dowladda ay sheegeen inaysan muddo kororsi sameyn doonin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here