DHAGEYSO: Yaa abaabulay Mooshinka xilka looga tuurayo madaxweyne Waare

0
42

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ku eedeeyeen in uu gadaal ka riixayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Wasiirka dib u heshiisiinta Hir-Shabeelle kana mid ah Xildhibaanada Maamulkaas ayaa sheegay in mooshin kaas uu qeyb weyn ku leeyahay guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Waxaa uu sheegay in mooshinkaas ay sidoo kale qeyb ku leeyihiin Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda federaalka,isla markaana aan waxba ka jirin,isaga oo baaq u direy Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here