DHAGEYSO+SAWIRO:-WASAARADA DHALANYARADA IYO CIYAARAHA KGS OO MAANTA BAYDHABO LAGU DAAHFURTEY .

0
72

BAydhabo Somaliya-{SMC NEWSS}-kulankan oo si wadajir ah ay usoo Qabanqaabiyeen Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed iyo Tubta Nabada Soomaaliya ayaa waxaa uu socondoona mudo Sedax maalin, Waxaana looga hadlaya Hormarinta siyaasada Dhalinyarada soomaaliyeed iyo Siyaasada Ee Dhalinyarada Koonfur Galbeed.

Furitaanka Kulanka ayaa waxaa ka soo  qeybgaley Agaasimaha Guud ee wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Aadan Cumar Xasan . Lataliyaal Masuuliyiinta hay’ada Tubta Nabada Soomaaliya Dhalinyarada iyo Aqoonyahanada ah Magaalada Baydhabo.

kulanka ugu Horeyn Waxaa Ka Hadlay Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Dhalinyarada Koonfur Galbeed Waxaana ay soojeediyeen Talooyin Lagu Hor Marinkaro Siyaasada Dhalinyarada Soomaaliya gaar ahaan kuwa koonfur galbeed soomaaliya.

Masuul Ka socoday Hay ada Tubta Nabada soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa kudheeraadey muhiimada kulankan wada tashiga u leeyahay Dhalinyarada kg.

Siid ali baafo Latelisyaha Wasaarada Dhalanyarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo gaba gabadii ka hadley kanka ayaa waxaa uu Dhalanyarada Ka soo Qeyb gashey kulankaan  ku buuriyey in ay ka faa iideystaan wax yaabaha looga hadli doono.

Dhageyso: Maxamed Aadan (Shati) G/Dhalinyarada Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here