Dhagxaantii laga qaaday qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho oo wadooyin kale lagu xiray

0
44

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay dhagxaantii ay horay ugu jartay ka qaaday qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, hayeeshee wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in wadooyin kale lagu xiray.

Qaar kamid ah Shacabka ku nool wadooyinkii dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa ay sheegeen in Goobtii ay ku xirnaayeen markii hore ee laga qaadaay meel u dhow ay dowladda kusii xirtay.

Dadka qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in caqabad horleh ay soo wajahday, isla markaana Xaafadaha qaar ee Muqdisho ay dowladda go’doon gelisay, waxaana ay ugu baaqay inay wadooyinka u furto.

Isgoysyada ay dowladda Soomaaliya xalay dhagxaanta ka qaaday ayaa waxaa kamid ah sgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer oo dhamaantood ka tirsan degmada Hodan iyo dhagxaan taallay meel u dhow Isgoyska Danwadaagaha ee degmada Wadajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here