Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Shabeellaha Hoose

0
128

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay dhaq dhaqaayo Ciidan saaka ka wadaan degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo dagaalo ay ka dhaceen.

Howlgalka ayaa yimid,kadib markii habeen ka hor ay weerar ku qaadeeen Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Awdheegle Ciidamada dowladda Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan hal saac.

Dad ku sugan degmada Awdheegle ayaa SMC waxaa ay u sheegeen in saaka waberigii hore Ciidamada dowladda oo watay Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan lagu arkayay,iyaga oo dhaq dhaqaaq ka wada duleedka degmada Awdhegle,isla markaana mararka qaar ay rasaas ridayaan.

Markii uu dgemada Awdheegle ka dhacay dagaalka ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,hayeeshee ay bilaabayaan howlgallo ka dhan ah si ay uga saaraan tuulooyinka kale ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Ciidamada DANAB ay la wareegeen bartamihii Sanadkii tegay ee 2019,iyaga oo ka sameystay saldhigyo waaweyn,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here