Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Shabeellaha Hoose

0
38

Taliska ciidanka xoogga dalka oo gobolka Shabellada hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay ku doonayaan inay Al-Shabaab uga saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Awdeegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo ay wehliyaan Maamulka Gobolka Hoose,kuwaas oo Ciidamada kala hadlayaa sidii loo bilaabi lahaa howlgallada.

“Ciidanka qalabka sida waxa ay meel kasta ugu tegi doonaan Al-Shabaab oo ku sugan meelo ka mid ah Gobolkaan, waxaana rajeynayaa in goor dhaw uu gobolka Shabeellaha Hoose noqdo meelaha loo dalxiis tego marka ciidanka ay deegaannadan ka saraan Al-Shabaab” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Taliyaha ayaa bogaadiyay sida wanaangsan ee ay ciidanka u gudanayaan waajibaadka,isla markaana looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here