Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga baaqay in baaritaan uu ku sameeyo Xaaladda Shiikh Muqtaar Roobow oo si sharci daro ah ugu xiran dowlada federaalka oo la sheegay in uu Cuntadii Ka Soomay.
Malaaq C/raxmaan Malaaq Shiino oo kamid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaartay aqbaarta ku aadan in uu cuntadii ka soomay Shiikh Muqtaar Roobow.
Waxa uu sheegay in Maamulka koonfur Galbeed Sooomaaliya ee uu hogaamiyo C/casiis Lafta gareen looga baahan yahay in arintaan u howlgalo, islamarkaana baaritaano lagu sameeyo.