Dhegeyso: Qaar Ka Mid Ah Malaaqyada Koonfur Galbeed oo Ka Horyimid Hadalkii Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

0
67

Qaar ka tirsan malaaqyada maamulka koonfur galbeed oo uu horkacaayo Malaaq Deeroow ayaa si cad uga horyimid hadal shaley kasoo yeeray hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Cabdicasiis ayaa maalintii shaley sheegay in Baarlamaanka maamulka koonfur galbeed lagu saleyn doono sida uu qabo dastuurka maamulkaas oo ah 95 halka uu hada yahay 149 oo aan waafaqsaneyn dastuurka.

Malaaq deerow oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in aan numbarka 149 aysan habooneyn in wax laga bedelo isaga oo u tiigsadey wax aan sal iyo raad toona laheyn.

Si kastaba arintu ha ahaatee Malaaqa ayaad moodaa in uu ilowsan yahay in tirada dheeriga ah ee ku jirta baarlamaanka ay markii horaba ahaayeen wax loogu yeeray Xubin Sharafeed ee uu sameeyey Shariif Xasan isaga oo ku raali gelinaaya dadkii uu balaamada kala soo galay magalada muqdisho.

Hadalka Malaaqyada halkan hoose ka dhegeysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here