Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal dhex-maray Soomaalida & Canfarta

0
34

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaano ka tirsan gobolka City ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu dhex-maray  Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwa Canfarta dalka itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidanka Canfarta ay weerareen tuulooyinka Gadhmalu, mayran,  kaldhash ee galbeedka City degaanka Soomaalida, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka inta la xaqiijiyay ay ku geeriyoodeen 8 ruux halka ku dhawaad 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira labada dhinac & dad Shacab  ah.

Xaalada kacsanaan ah ayaa waxaa weli laga dareemayaa ilaa 7 tuulo oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo dhowr ah oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida kana tegay Magaalada Jigjiga ay gaareen halka dagaalka uu ka dhacay, iyaga oo u gurmayay Ciidamada la weeraray.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Canfarta weli kama hadlin dagaalka, iyada oo shalay sidaan oo kale ay dagaalo uga dhaceen gobolka City ee Galbeedka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here