Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal ka socda Galgaduud

0
63

Wararka lagahelayo deegaano hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa aaga deegaanka Mirxaley oo ku yaalla Galbeedka Magaalada Cadaado una dhaxeeya degmooyinka Cabudwaaq & Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dad ku sugan deegaanka Mirxaley ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ilaa saddex Ruux dhaawacana uu intasi ka badan yahay ,hayeeshee khasaaraha uu intaasi ka badan karo maadaama weli dagaalka uu socdo.

Malaashiyaadka dagaalamaya oo xoolo dhaqato ah ataa waxaa la sheegay inay isku heystaan dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanka agu dagaalamayo,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay weli rasaas maqlayaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saacadaha soo socda ay deegaankasi tegi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Cadaado iyo Odayaasha Dhaqanka si ay u kaal dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here