DIGIL MIRIFLE MASIIRKOODA MA U XAYIRNAAN KARAAN AFARTA REER BAAY?

0
90

Beelwaynta Digilmirifle ee degan inta badan Koonfur Soomaaliya, goboladooda waxay ahaayeen halboowlaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya, nasiib daro maanta goboladaasi waxay noqdeen kuwa ugu liito gobolada dalka, tasoo Soomaaliya ka dhigeeysa kuwa ku tiirsan mucaawino ka yimaada dibada.

Ka soo kabashadda dhibkaas dheer ee mid amaan mid dhaqaale iyo hurumar waxaa ka hor taagan hogaan xumo ka dhex jirta is riix riix siyaasadeed oo u dhaxeeya Afar jufo hadana hal beel hoos u ah ( AFARTA REER BAAY) oo wada degta inta ku hareeraysan Baido, kuwasoo ayka dhaxeeyso dagaal dhul iyo mid siyaasadba, Afartaan jufo waxay markasta ukala saftaan beelaha siyaasadda isku haaysta dalka Soomaaliya sida Darood iyo Hawiye, tasoo maanta guud ahaan qowmiyada Digilmirifle u hor seeday burbur siyaasadeed mid dhaqaale iyo mida ay maanta yihiin.

Gunaanad:

Maadaama Digilmirifle ay yihiin 39 lafood oo wada dega inta badan Koonfurta Soomaaliya, waxaa la joogaa waqtigii laga wada hadli lahaa sidii gogol nabadeed loogu dhigi lahaa afartaas beelood ee walaalaha ah, hadii ay nabadaas socon weeyso looga tashan lahaa oo hogaanka iyo masiirka umadaas laga qaban lahaa. Sababta aan taas u leeyahay waxay tahay dagaalka ka dhex jiro afartaa beelood waxay guud ahaan umadda iyo degaankaba ka dhigtay u horseeday burbur dhankasta ah mid amaan iyo mid hormar.

Hadii arinkaan aan wax laga qabanin Waxaan u arkaa mid mushkilad badan u keeni doono jiilka dambe iyo degaankaba.Sheekhnoor Qaassim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here