Diiwaan gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka oo saaka ka bilaabaneysa Baydhabo

0
37

Diiwaan gelinta guddoonka baarlamaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay ka bilaabaneysa magaalada Baydhabo ee xaunta gobolka Bay, sida lagu sheegay war kasoo baxay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaas.

Diiwaan gelintan bilaabaneysa Axadda maanta ah ayaa ku eg Isniinta berrito ee 30-ka bishan Maarso, waxaana maalinka xigta ee Talaadada loo asteeyey hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Arbacada nasoo aadan ee koowda bisha Abriil ayaa lagu sheegay jadwalkan in la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here