Dil goordhaw ka dhacay Demada Wanlaweyn iyo Faah faahino kasoo baxaya

0
192

Warka inaga soogaaraya ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka Malatariga uu goordhaw xaafad Muuri oo katirsan Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay wiil dhalinyaro ah.

Askariga ayaa la sheegay in rasaas ku dhuftay wiilka dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Qalinle , waxaana Wiilkan la sheegay in uu kamid ahaa dadka caanka ka ah Degmada Wanlaweyn.




Sida aan wararka ku heleyno askariga dilka u geestay wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan Booliska oo wada baaritaano ku aadan dilka iyo gacan ku dhiiglaha baxsaday.

Ciidankan ayaa u abaabulan Ciidamo Beeleed marwaliba Deegaanada Dhac iyo Dil kageesta Wanlaweyn lamana arko Dhibaatada Shacabka u geesteen Ciidamadaas.

Ciidamada ayaa loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka shacabka balse mararka qaar ciidankan ayaa shacabkii ay ilaalin lahaayeen dil u geesta.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here