Dil Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydbabo

0
22

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ahaa qof shacab ah waxaa ay ku dileen duleedka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Soomaaliya.

Dilka ayaa sigaar ah uga meel ku dhow Bar koontaroolka laga soo galo Magaalada Baydhabo, waxaana wiilka uu u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, xili uu halkaas ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Cumar Elhadadi, isagoona kamid ahaa sida dhalinyarada kunool Koonfur Soomaaliya, waxaana goobta uu falku ka dhacay Meydkiisa kasoo qaaday qaar kamid Eheladiisa.

Weli Lama oga sababta keentay in la dilo Cumar, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay duleedka Magaalada Baydhabo oo loo geystay dad shacab ah iyo Askar Ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here