Dil ka dhacay xarun ay degan yihiin heyado caalami ah oo ku taalla Boosaaso

0
120

Askari ka tirsan ilaalada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay askari kale oo isla ciidankaas ka tirsanaa.

Dilka ayaa dhacay xili ay askarta ku sugnaayeen xarun ay degan yihiin dhawr hay’adood uu ku taalla Magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Southern Media.

Lama oga sabata ka dambaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, isla markaasna ay baari doonaan sababta askarigani uu dilka u gaysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here