Dilal aad u argagax badan oo goor dhow kadhacay Muqdisho iyo sadax nin oo la’dilay

0
198

Dabley hubeysan ayaa goor dhow abaare 8:45 fiidnimo waxay saddex nin ku dileen wadada buundooyinka ee kala qeybisa degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Ragga la dilay ayaa watay Mooto nooceedu ahaa Fekon waxaana rasaas ku boobsaday dabley bastoolado ku hubeysan xili ay marayeen ka soo horjeedka Masjidka Bandhabow oo ku yaalla buundada xigta dhinaca iskuulka Raage Ugaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilalka geystay ay ku baxsadeen Mooto bajaaj, waxaana joogsaday isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada buundooyinka.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo goobta gaaray ayaa ridaya rasaas aan la garaneyn cida ay la beegsanayaan, iyadoo warar aan la xaqiijina ay ay sheegayaan in ragga la dilay ay ka tirsanayeen ciidanka nabad sugida Somalia.

La soco wixii soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here