Diyaar garow ka socda Beledweyne & Wafdi ku wajahan

0
98

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan wafdi ka socda Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle  Aadan Axmed Sooyaan.

Wafdiga ayaa maalmahaan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Feer feer oo ku taalla xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya,halkaas oo ay u tageen xalinta laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay.

Diyaar garoow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdiga ayaa ka socda Beledweyne,waxaana Magaalada lagu arkayaa madax iyo Shacab u diyaar garoobay soo dhaweynta Wafdiga ka imaanaya Magaalada Feer feer.

Wafdiga  ayaa markii ay tagaan Beledweyne,waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan,iyaga oo sidoo kale booqan doona Xarumo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here