Diyaarad Muqdisho Keentay Wafdi Hordhac U Ah Madaxweyne Dani

0
93

Ilaalada Madaxweynaha Puntland oo ay kujiraan xubnaha Hab maamuus-kiisa ayaa Galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, oo Isniinta laga sugayo Madaxweyne Dani.

Kudhawaad labo Unug oo ciidan ayaa safarkaan kuwehlisa wafdiga Madaxweyne Dani,sida laga soo xigtay xubno ka shaqeeya Madaxtooyada Garowe.

Wafdiga Hordhac ah ayaa soo gaaray Muqdisho,iyadoo aad isha loogu hayo sida ay xaaladu isku bedeli karto.

Shir ayaa dhawaan dhexmari doona Madaxda Dawlad Gobolleedyada Jubbalnad iyo Puntland iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dawlada Federaalka Soomaaliya,Arimaha Masiiriga ah ayaana laga hadli doonaa.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here