Diyaarad shil ku gashay Garoonka Muqdisho, markii Lugaha u bixi waayeen & xaalad ay dhalisay.. [Daawo]

0
31

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqadii Garoonka Aadan Cadde uu hakad ku yimid, markii diyaarad ay caga dhigatay dhabaha iyadoo awoodi weysay inay lugaha la baxdo.

Shilka ka dhashay diyaaradaan oo ahayd xamuul ayaa la sheegay inuu dhaliyay inay xayirto dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka Aadan Caddde, iyadoo markaas kadib muddo saacad ah lala tacaalayey in laba wareejiyo dhabaha diyaaradaha ka duulaan.

Diyaaraddan ayaa qasab lagu soo dejiyey markii in muddo ah ay ku guul darreysteen duuliyeyaashii waday inay lugaha u bixiyaan, waxayna xabada ku xoqatay Dhabaha diyaaradaha, inkastoo aan la soo sheegin qasaare ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here