Diyaarad Xamuul ah oo Shil Ku Gashay Garoon Ku Yaalla Gobolka Gedo (Sawiro)

0
122

Wararka Warbaahinta SMC ee ay ka heleyso Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta halkaas ay shil ku gashay Diyaarad.

Dad ku sugan Baardheere ayaa soo sheegaya in diyaaradaan ay aheyd nooca xamuulka qaado ah, isla markaana ay siday shixnado kala duwan, taasi oo dhabaha Garoonka ku dhacday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Baardheere ayaa tilmaamay in wax Khasaaro ah uusan ka dhalan shilka ay gashay diyaarada, balse ay dhibaato soo gaartay oo kaliya diyaarada dhacday.

Sawirro laga soo qaaday Diyaaradaas laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in diyaarada ay ku dhacday dhabaha ay Cagaha dhigtaan diyaaradaha, waxaana wararaka qaarkood la helayo ay sheegayaan in diyaaradaas ay lugaha u bixi waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here