DOWLADDA FEDERAALKA MA QALDAN TAHAY?

0
280

Waxaan doonayaa Marka hore in walaalaha Soomaaliyeed iyo madaxdooda jecel dowlanimadda dalkeena, inaan idinla qaybsado fikirkeeyga ku aadan marxaladda siyaasadeed iyo kala fikir duwanaashaha u dhaxeeya shacabka koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe ee Fedraalka Soomaaliya. Waxaan qof ahaan taageersanahay dowladda uu hogaamiyo Mudane Madaxwayne Mohamed Farmaajo oo aan aqoon durugsan u leenahay, anigoo ku aqaana niyad sami, taas micnaheeda ma aha inaan ku taageero siyaasad qaldan oo aan u arko inuu dalkaan nabdiisa ay dhib u keeni karto iyo dhiig ku daato arin hadaba xal loo heli karo. Runtii Waxaan waligeey aaminsanaa in nabada dalka Soomaaliya in ayku jirto in wada hadalo lala furo dagaalyahanadda Alshabaab, waayo waa ilmaheeni oo maskaxda laga xaday.

Waxaan kaloo aaminsanahay in dowladnimo aan ku noqon karin inay ciidan ajanabi oo na ilaaliyaan, waxaan kaloo waligeeyna aaminsanaa in qori kaliya looga adkaan karin fikirka xaq jirnimadda, tasoo maanta ay aduunka oo dhan fahmeen, hada waxaa jira in wada hadal loo furay Taliban, Iraq iyo Yemen, taas awgeed waa inaan yeelanaa geesinimo aan heshiis iyo wada hadal ugu furno qolo kastoo dalkaan nabadiisa dhib ku ah, waayo nabad la’aan nolol iyo hurumar lama gaari karo, waana sababtaas inaan taageero muwaadin kasta soo baxa kuwa nabad diidka. Sidaan ognahay Shacabka koonfur Galbeed iyo Dowladda Dhexe waxay ka mideeynaayeen hal mid, tasoo ahayd inuu siyaasada ka baxo sharif hassan, waayo dowladana dhib bay ku qabtay dadkana sidoo kale, hadaba maxaa is badalay?

1- Dowladda Federaalka halka ay golaha wasiirada qabiiladda Hawiye iyo Darood ay uga keentay wasiiro aan Xildhibaan ahayn oo aqoon leh, Dadka DigilMirifle waxay u keentay dad aan aqoon lahayn, waxayna irdaha ka xiratay aqoonyahanadii dalkan iyo dadkaba wax tari lahaa. Taas waxay abuurtay shaki badan inay dowlada ku socoto jidkii aqoon naceeybka ahaa uu Sharif Hassan aaminsanaa, tasoo loo fasirtay in aysan dowlada aysan dooneeynin aqoonyahanadda Digilmirfle si ay qayb uga noqdaan dhismaha dalkooda iyo dowladnimadda waayo dano laga leeyahay goboladaas awgood.

2- Markii ay dowladda la soo baxday mushrax ayaga ay wataan oo aysan kala tashanin odayaasha dhaqanka, aqoonyahanadda dadkii waxay dareemeen in taasi sharaf daro ku tahay iyo meel ka dhac, waxay ahayd in talada wax kaga siiyo dadkii masiirka waxku lahaa, sida uu qabo axdiga dowlada lagu yahay.

3- Tageeradda loo haayo Mukhtaar Rooboow waxay salkeeda tahay inuu waxka badalo dhibka iyo jid gooyadda umadaasi ay maanta ku sugan tahay, Mukhtar wuxuu haaystaa taageero shacabka oo dhan iyo aduunka intooda badan, dadka markii ay arkeen in rabitaankooda la qaymayn waayay oo wali la doonaayo siyaasad juujuub ah waxay arinta gaartay in shacabka ay diyaar u yihiin difaaca rabitaankooda ayagoo cuskanaayo xaqa uu dastuurka dalka siinaayo.

4- Waxaad moodaa in dowladda aysan aqoon durugsan u lahayn dadka DigilMirifle iyo taariikhdooda, waxay kaloo ka talo qaadataa dad badan oo aan culays iyo sharafba ku lahayn degaanka iyo shacabka, tasoo hor seeday dhibka maanta taagan. Isku soo wada duub arinta ka socotaa Koonfur Galbeed ma aha oo kaliya Mukhtaar Rooboow, waxaa dhulkaasi ka socdo kacdoon shacab oo ka daalay dulmiga oo raadinaayo cadaalad iyo sinaan iyo hurumar la mid ah Puntland iyo Somaliland. Waxaan kula talinayaa dowladda inay fahmaan, waxa la hogaaminaayo waa dad, mar hadaad lumiso kalsoonida shacabkaas waxaa kugu adkaan doono inaan ka dhabeeyso rajadiini ahayn inaad dalkaan aad badbaadisaan.

Taas awgeed waa inay dowladda la shaqeeysaa Mukhtar Rooboow oo laga daayaa cadaadiska iyo hanjabaada ka inaaneeysa xamar, waa inay dowlada u diyaar garoowdaa qofkii meeshaas ka soo baxo inay la timaado siyaasadii hogaankaas lagula shaqayn lahaa si dalkaan iyo dadkiisaba loo badbaadiyo. Waxaan ku Soo xirayaa hadal uu igu yiri oday 80 jir mar aan weeydiiyay sababta ay u doonayaan Mukhtar wuxuu igu yiri “ adeer hadeey Qodax ku gasho, Qodax baa lagu bixiyaa” Wa bilaahi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here