Dowladda Oo Diyaarado Siday Ciidanka Haramcad Ka Dajisay Magaalada Baladweyne

0
42

wararka ka imaanaya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado siday ciidamo badan oo ka tirsan haramcad in laga dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada baladweyne

wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in diaayadahaani siday ciidanka in ay gaarayeen ilaa iyo afar diyaaradood oo waday ciidanka haramcad

la ma oga sababta rasmiga ah ee dowladdu ciidankaan u geeysay maaalada baladweyne balse waxa la sheegay in madaxweynaha maamulka hirshabeele cali xuseen guudlaawe uu xalay kulan la qaatay madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka somaliya maxamed cabdulahi farmajo islamarkaasna uu ka dalbaday in laga caawiyo in laga xaliyo xiisadaha ka taagan deegaanada gobolka hiiraan

warar hoose oo aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka sida gaarka ah utababaran ee dowladdu geeysay magaalada baladweyne ay qaadayaan howlgalo ka dhan ah generaal xuud walow aan si dhaba loo hubin talabada ay qaadayaan ciidanka haramcad ee ka dagay baladweyne

jabhado kasoo horjeeda maamulka cusub ee hirshabeele ayaa waxa ay ka jiraan deegaanada gobolka hiiaan

genaraal abuukar xuud oo ka mid ah jabhadahaasi ayaa waxa uu dhalinyaro isaga taabacsan uu ka abaabusahy duleedka magaalaad baladweyne waxaana uu sheegay in madaxweynaha cusub ee hirshabeele hadii uu yimaado baladweyne in uu weerari doono

waxaana tani ay kusoo aadeysa xili wali aan la caleemasaarin madaxweynaha maamulka hirshabeele iyo ku xigeenkiisa islamarkaasna ay hortaaganyihiin xiisadaha ka jira magaalada baladweyne,iyadoona ay xusid mudantahay in arintaani ay hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here