Dowladda Oo Sheegtay in Howlgalo laga fuliyay bubbada hoose Ay Ku Dileen Horjoogayaal Al-Shabaab Ah

0
40

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutad 11aad qeybta 43aad ay ka sameeyen aagga deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay dilay horjoogayaal iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab .

war qoraal ah oo lagu qoray warbaahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Howgalkan uu yimid kadib markii ciidanku ay ka war heleen in dhibaatooyin loo maleegayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaano ku dhow deegaanka Baar-sanguuni.

Taliyaha guutada 11aad qeybta 43 ciidanka xooga dalka G/sare Caddoow Maxamed Sahal ayaa idaacadda ciidamada Qalabka sida u sheegay in howgalka lagu khaarijiyay horjooge Cabdi Ibrahim Saleebaan iyo ku xigankiisa, kuwaasi oo ahaa madaxdii jabhada Alshabaab ee gobolka Jubbada hoose, waxaana sidookale howgalka lagu sheegay in lagu dhawacay saddax xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab.

G/sare Caddoow Maxamed Sahal ayaa intaasi raaciyay in ay kudaba jiraan xubno ka tirsan oo uu sheegay isaga cararay aagga uu howgalku ka dhacay islamarkaasna uu dib ka bixin doono faah faahfaahinta buuxda oo ku saabsan howgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here