Eedeysanayaal ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo Oo xabsiga laga sii daayey

0
69

Shakhsiyaadkii lagu eedeeyey Kufsiga iyo Dilka Xamdi Maxamed Faarax oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo ayaa la damacsan yahay in Xabsiga laga sii daayo.

Labo Gabdhood oo kamid ahaa dadkii loo xiray Kiiskii kufsiga iyo Dilka ee loo geestay Xamdi Maxamed Faarax ayaa lagu sii daayay amar Maxkamadeed ,oo kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir lamana oga sababta labadaan qof loo sii daayey iyada oo lasoo gaba gabeyn baaritaanka.

Waxaa sidoo kale socda dadaalo ay wadaan Mas’uuliyiin Dawladeed iyo Saraakiil ciidan oo ay ku doonayaan in xabsiga uga sii daayaan afar nin oo ku eedeysan kiiskan dilka ah una xiran arrintaas.

Dadkan xiran ayaa ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in dadka eedeysanayaasha xiran ku heyb yihiin Madaxweynaha Soomaaliya  mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilaa hadda ma jirto faah faahin dheeraad oo laga bixiyey warqada eedeysanayaasha lagu sii daayey taas oo ku taariikheysan shalay sabtidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here