FAAH FAAHIN: Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho Oo Lagu beegsaday Agaasime Koofi

0
134

Warar hordhac ayaa sheegaya in qarax Xoogan lagu  beegsaday Agaasimaha Laanta socdaalka iyo jinsiga Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Qaraxa ayaa ahaa mid ka dhacay isgoyska lambar afar wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Khasaaraha weli lama oga balse ciidamada amniga oo meesha tegay waxay sheegeen in baaritaan wadaan.

Warar ayaa sheegaya in labo qof ku dhinteen qaraxaasi oo mid askari ilaalada koofi ahaa.

Agaasime koofi waan nabad qabaa sida ay sheegeen saraakiisha Booliska qaarkood.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw hoteelka Afriik oo ku ag yaalla Isgoyska lambar afar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here