FAAH FAAHIN: Qaraxii Muqdisho & Dhaawaca Taliyaha Nabad Sugida

0
138

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegaday oo salaadii duhur kadib ka dhacay Degmada Kaxda.

Gaari ayaa lagu qarxiyey Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Kaxda islamarkaana halka wax ka dhaceen utegay qiimeynta dil Gudoomiye waaxeed loo geystay.

Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaas qarax balse tiro koob weli lama haayo.

Warar ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad sugida Degmada Kaxda uu dhaawac soo gaaray oo Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Khadar.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in uu ka bad baaday isaga weerarkaas ayna askar badan waxyeelo soo gaartay.

Waxa uu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo tirada waxyeelada qaraxa ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here