Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay J/Hoose

0
35

Maleeshiyaad beeleed deegaanka ah ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ku dagaalameen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii labo beel oo wada dega halkaasi ay isku qabteen arrimo la xariira dhul beereed.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay labo qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan ah dhinacyadii dagaalamay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaal beeleedkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse waxaa weli is horfadhiya maleeshiyaadkii dagaalamay, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaalku uu qarxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here