FAAHFAAHIN: ALSHABAB OO DAGAAL QARAAR DHAXMARAYA IYO QASAARE KADHSHEY

0
55

Wararka Ka imaanaya Deegaanka Biyamaalow oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Dagaal Qaraar oo u dhaxeeya Dagaalamayaasha Alshabaab uu halkaasi kadhacey.
ilo wareedyo kusugan deegaanka ayaa sheegey in dagaalku socodey mudo ku 40 Daqiiqo oo toos ah.

Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii Mid kamid ah Saraakiisha Amniga Alshabaab ee Loo yaqaano Jabhada ay garaaceed ciidanka Xisbada Xili uu lasocodey Qof Haween ah, ayagoona ku eedeeyey in uu anshax xumo ku dhaqaaqey.

Sargaalka lajirdiley ayaa durba wacdey ciidamadii uu ka tirsanaa oo kusugnaa goob aan sidaasi uga fogeyn goobta falku kadhacey, waxaana durba halkaasi ka dhacey isko hor imaad kooban oo daqiiqo socodey.

goobjoogayaal aan lahadalney ayaa sheegey in
Dagaalku mar kale dib u qarxey, kadib markii ciidanka Amniga ee loo yaqaano Jahbada ay weerer culus kusoo qaadeen saldhig ay kusugnaayeen Ciidanka sida Booliska ushaqeeya ee loo yaqaano Xisbada kuwaas oo maamula magaalooyinka Alshabaab.

Waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu qaatey mudo 40 daqiiqo ah ayadoona gacan ku heynta Deegaanka Biyamaalow ay lawareegeen Ciidanka Jabhada.

Dagaalka ayaa sababey dhimasho iyo dhaawac walow aan la xaqiijin karin dhimashada hadana xiliga oo habeen ah awgeed hadana waxaa jira dhawaacayada 9 askari oo katirsan labada dhinac sida ay soo warinayaan dadka deegaanka.

Xaalada ayaa kacsan weli waxaana jira rasaas Goos goos ah oo ay ridayaan ciidanka sida meleteriga u tababaran ee Alshabaab ee loo yaqaano Jabhada.

dadka deegaanka ayaa baqdin xooggan kamuujinaya in markale dib ugu qarxo dagaal halkaasi waxaa ayna sheegeen in deegaanada ku dhow Biyamaalow Ciidanka Xisbida joogay laga baqdin qabo in ay gurmad soo diraan.

wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here