Faahfaahin Nabadoon lagu dilay Afgooye

0
112

Koox hubeysan ayaa  nin nabadoon ahaa ku dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga helayo qaabka dilkaan uu u dhacay.

Nabadoonka la dilayay oo lagu magacaabayay Ibraahim Maxamed Ibraahim, waxaana uu ka mid ahaa Nabadoonada sidda weyn looga yaqaano degmada Afgooye.

Nabadoonka ayaa ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga doortay degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo bilaabay howlgallo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here