Faahfaahin Qarax Caawa ka dhacay Gaalkacyo

0
35

Ciidamo ka tisan Puntland ayaa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa  sheegay in qaraxa uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay.

Inkastoo aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxaysa haddii ciidanka khasaare ka soo gaarey bamkaasi, haseyeeshee waxaa la sheegay in ciidanku ay rasaas ku fureen shaqsigii soo tuuray bam gacmeedka, iyadoona rasaasta laga maqlay qaybo kamid ah Galkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here