FAAHFAAHINTA 3-DA GURI SULDAANKII MAAYLAD MALAAQ SAGAAR EENOW SALBALLAAR U DISHAYNA LAAKIIN!!

0
216

Guriga Aliindiga degmada Xamarwayne waxaa xiligii Talyaaniga gatay Injineer Cabdiraxmaan Mursal uu ka gatay nin Talyaani uu la shaqayn jiray, waxaana la wareegtay Dowlladdii Kacaanka kolkii ay timid, maadaama dowlladdu hanti badan ay la wareegaysay, balse Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal wuxuu xafiiskiisi ugu tagay madaxwayne Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna tusay dukumiintigiisi lahaanshiyaha dhulkiisi, kadibna baaritaan dheer madaxwayne Maxamed Siyaad Barre warqad ayuu gacantiisu ugu qoray kuna amray wasaaradda Maaliyadda uu ku caddaynayo in milkiyadda dhulka baaxaddiisu yahay 75×45 mitir uu leeyahay Mudane Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal, dukumiintigaaso orijinaalkiisu aad ku arkaysaan boggeena hoose ku asteeysan feermada, ama saxiixa xoghayaha guud Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S) Jaalle Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1973-kii, balse dowlladdu maadaama ay ka maarmi wayday gurigaasi awalna ahaa bakhaar dhuxusha lagu xareeyo dharka Aliindiga gacan ku samayska dalka lagu gado, waxay Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Mursal kaga kiraysatay adduun dhan 165,000 (Boqol iyo Lixdan iyo Shan Kun) Shilin Soomaali ah.

-Guriga ku yaal ka soo horjeedka Saldhigga ciidanka Asluubta Soomaaliyeed degmada Xamarjajab baaxadda cabbirkiisu yahay 16×16 mitir, waxaa iska lahayd dhididkeedu uu ahaa dukumiintiga orijinaalka ku qoran Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal eeddadii aabbihii la dhalatay lagu magacaabo Faadumo Mursal kuna magac dheer (Faaduma Shacbaan) oo caan ka ah Xamarjajab cid waliba garanyaso dadkii hore ah oo haatan Aakhiro ku maqan gurigeedi dhabta ahaa.

-Guriga Haanta dheer baaxadda cabbirkiisu yahay 20×18 mitir ku yaal degmada Xamarwayne ceelkana ka dhex qodan, waxaa iska leh Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal aabihiisi dhalay lagu magacaabo Ibraahin Mursal oo isaguna haatan Aakhiro ku maqan gurigiisi rumaad.

Haadaba, Ibraahin Mursal oo dhintay dunida caruur hal cunug ayuu ka dhalay, waana Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Mursal, oday Ibraahim Mursal walaashiisna adduunyada caruur kagama tagin, Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursalna wax ilmo ah ifkan kagama tagin, sidaasna Rabbiga ayaa u qoray, balse xigtadoodi dhaxalka ayaa dhooban dunidan oo aad u farabadan, waxaana qabtu kolkii ay dhacaysay sanaddii 1991-kii Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal dukumiintiyadii 3 guri, ka eeddadii, ka aabbihii iyo kiisuba uu wada hayay uu u dhiibay nin Reer Xamar ah ooy daris ahaayeen, isagoona ku yiri “walaalow xaalka ma fiicnee, waxaa laga yaabaa in la i dilo, maadaama dowlladda aan u shaqaynayay, fadlan sabarloogayaashaan ii haay,” sidii ayuuna ninkii ay dariska ahaayeen muwalladka ahaa amaanada uga qabtay, kadibna qalalaasihii Shiikh Xasan Mooto oo hubaysan ayaa guryihii qabsaday kuna dhex dilay Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal u dhashay Maayland, islamarkaana isla guriga hadda loo baxshay (GALMUDUG-YAREEY) Xamarwayne ku yaal ku dhex duugay, waxaana laga yaaba hadda haddii degdeg gurigaasi hoos loo qodo dhinacyadiisi in laga helo lahafaha Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal, iyado dilkaasi kadibna ninkii dariska ahaa sabarloogayaasha lagu amaanaystayo hayay uu u cararay dalka Yemen.

Cabbaar kadib xaaladdu kolkii ay yara degtay roobkii fowdaduna uu yara qayooday, ayaa ninkii dariska ahaa dukumiintiyada guryaha hayay uu dib ugu soo laabtay Muqdisho Soomaaliya, waxaana guryaha had iyo jeer kor ka waardiyaysanayay oo ku gaafwareegayay Suldaan Sagaar Mad Eenoow iyo qaraabada xigtada dhaxalka leh, bacdama malaaqii beeshana uu ahaa, aakhiritaankiina wuxuu ku meeraysataba waxay is arkeen ninkii reer Xamarka ahaa dukumiintiyada guryaha amaanada hayay, islamarkiina way isgarteen, sababto ah, Malaaq Sagaar Mad Eenoow dowlladdii Kacaanka oo dhisan ayuu Eng. Cabdiraxmaan iyo aabbihii oday Ibraahin iyo eeddadii Faadumo Shacbaan uu mar waliba booqan jiray, ninkan Reer Xamarka dariskana ah waa ay isla qaxwayn jireen mar waliba oo uu xaafadda yimaado, saa awgeed, is-xog-waresyi kadib, ninkii dariska wanaagsan ahaa wuxuu caddeeyay, in Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal guriga lagu dilay markaasi kadib naxdintaasi darteed uu isna dalka uga cararay, deetana dukumiintiyadii guryaha oorjinaalka sidaasi Malaaqa iyo xigtada ugu wareejiyay, kadibna dadkii dhaxalka lahaa ay yiraahdeenoy wakiisheen Suldaan Mad eenoow Sagaar malaaqooda in uu guryahaasi u haayo una soo celsho.

Suldaan Sagaar Mad Eenoow oo xigtada ah wakiil buuxana ka ah dhaxlayaasha guryaha ayaa dacwad furay, waana ta kor aynu ku soo xusnay in maxkamadda gobolka Banaadir ay 2 jeer u soo xukuntay guryahaasi kuna raaceen wasaaradaha Caddaalladda iyo Awqaafta dowlladda federaalka Soomaaliya, dabadeedna fulintii Dr Xaashi uu fadhiyay lakad ku noqday inuu guryihiisi dib uu u helo milkiilaha u dhashay Reer Maayland Suldaan Sagaar Mad Eenoow.

MAXAA DHEX MARAY SHIIKH XASAN MOOTO IYO SULDAAN SAGAAR MAD EENOW?

Kolkii Suldaan Sagaar Mad Eenoow uu 2 jeer ku guulaystay dacwadda guryaha, Shikh Xasan mooto waxaa uu soo raadiyay Malaaq Sagaar, wuxuuna ku yiri “guriga aan annigu haysto GALMUDUG-YAREEY Xamarwayne haddaad adigu leedahay dukumiintiyadaada inay saxan yihiin iyo in kale, waxaan doonayaa inaan NOOTEEYO akhrin karta aynu wada aadno, haddii sabarloogadaadu ay sax noqoto, lacagaan kuu celinaayaa, ama si uun bay noqonaysaa,” waana ay is wada raaceen, waxaana ay u tageen NOOTEEYO Muqdisho ku taal ee uu joogo wiil qayaastii 35 jir ah lagu magacaabo ABSHIR kana soo jeeda degmada Cadaado Galmudug Salballaar ah, wuxuuna yiri kolkuu fiirshay dukumiintiyada kadib “Annigu dukumiintigaan wuu iga waynyahay, kan annigoon dhallan ayaa la soo saaray ma akhrin karayee meel kale la aada.”

Hagaag, waa ay soo baxeen, waxaa ay u yimaadeen NOOTEEYO uu joogo nin lagu magacaabo Dr Muriidi rugcaddaa ah u dhashay Reer Xamar, balse reer Buurhakaba ah JBM, dadkii la dhihi jiray (Sheekh Muumin Xaaraan Maddaare), wuu fiirshay, wuxuuna ku yiri “nimanyahaw gurigan annigu waan aqaanaa, maxkamadda waa laba taallaabee iyada u gaysta.”
Markii sidaasi Dr Muriiddi uu yiri, waxaa soo booday Shiikh Xasan Mooto, wuxuuna ku yiri “Sheekh, gurigan waan gadan rabaaye ii wareeji dukumiintigan,” kolkaasu Dr Muriiddina ku yiri ” Sheekhoow, anniga markii la i dhalaayay Aliindiyaa la igu duudduubay, adigana markii lagu dhalaayay maqaaraa lagugu duudduubay, marka isku mid ma nihin, anniga aadaan u jilcanahee, adigana aadaad u ad adagtahay, marka maxkmadda gaysta iyada hakuu wareejiso.” wuxuuna Dr Muriiddi oo Suldaan Sagaar Mad Eennow iyo qarabadiisi la socotay uu si gaar ah ugu sheegay ee uu ku yiri “Nimanyahaw dhagaysta, meeshan hadda dowllad xooggan oo caddaalad ah kama jirto, dukumiintigaan waa dahab, haysto qarsada, maalintay dowllad xooggano caddaalada ay timaaddo la soo baxa wixiini wa banaanka, amase haddii xeelado kale aad isticmaali kartaan isticmaala sida dalka maanta wax loogu kala qaybsado xoogxoogga, macsalaama”.

DILKA SULDAAN SAGAAR MAD EENOW KAHOR IYO CUMAR FINISH.

Suldaan sagaar Mad Eenoow arrintiisu qaraabada iyo Reer Maayland inta badan uma uusan sheegan iyo ciidamadaba, isaga iyo shaqsiyaad kooban uunbaa dacwadda galayo isku koobay, waxaana uu balan la yeeshay guddoonka gobolka Banaadir Mudane Cumar Finish, kulankooda balanta oo ahaa Jimcaha 23.10.2020, waxaana xusid mudan, in guddoonka gobolka Banaadir af-buuxa uu ku yiri “inaanay maanta la joogaa Reer Galmudug guri Reer Maayland ay iska leeyihiin Muqdisho gudaheeda aanay xoog kaga haysan karin,” balse kahor balantiiba Suldaan Sagaar Mad Eenoow la sii khaarajiyay.

QAABKA DILKA SULDAAN SAGAAR MAD EENOOW UU U DHACAY.

Suldaan Sagaar Mad Eenoow intaan la dilin kahor, waxaa uu soo fariistay idaacadaha maxalliga Muqdisho arrintiisi guusha maxkamaddana waa uu ka sheegay, sido kalana, waxaa uu cid waliba ee uu la kulmo uu u sheegayay inuu ku guulaystay kiiska, lana ballansanyahay guddoonka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish, taasoo soo dadajisay dilkiisi si kiiska guryihiisi qaaliga loo af-qabto, waxaana Dr Xaashi guddoomiye kixigeenka maxkamadda gobolka Banaadir oo haysta mid ka mid ah guryaha Reer Maayland iyo atbaacdiisuba ay maalmo kahor dilka malaaq Sagaar u soo direen 2 nin u dhashay Reer Galmudug Salballaar ah oo la kala yiraahdo GAADDDAAY IYO CALI DHOOF, waxaana Suldaan Sagaar Mad Eennow ay u sheegeen, in guryaha laga haysto kala bar qiimaha ay ku fadhiyaan ay u celinayaan sabarloogooyinka uu ku wareejiyo, deetana iyagu ay ka saaranayaan dadka xoogga ku haysta, taasoo uu gaashaanka u daruuray Malaaq Eenoow.

Haddana, waxaa dilkiisi daqiiqado kahor u yeeray oo la kulmay taliyaha Saldhigga Ceelasha-Biyaha gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakysan Ee Maayland (JBM) ninka lagu magacaabo Mudane Haruub u dhashay Dhuusamareeb Galmudug Salballaar ah kuna beel ah jufada Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Cabdi Haw-Hawle) habaryarna u ah Marwo Canab Cabdi Barre oo ah naagta haysata guriga Fillada Mingiska lagu tumo baaxaddiisu tahay 16×16 mitir ku yaal ka soo horjeedka saldhigga ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee degmada Xamarjajab, haweenaydaaso iyana ku jufa ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Cabdi-HawHawle) kana mid ah ciidanka Asluubta federaalka Soomaaliyeed, waxaana Mr Haruub uu aad ugala hadlay Suldaan Sagaar arrimaha guryaha, gaar ahaan guriga ay habaryartiisu xoogga kaga haysato degmada Xamarjajab ku yaal, iyada oo kolkii ay sidaasi u soo kala tageen Suldaan Sagaar Mad Eenoow 2 wiil dhallinyaro hubaysan laga soo daba diray, deetana bartamaha Suuqa Baabul-Maka Ceelasha-Biyaha JBM lagu toogtay, oo goortay toogteena maqaayad ka soo horjeedda Baabul-Maka ay galeen, halkaasina maydkii oo yaal shaah ku dalbadeen tartiibtooda isaga cabbeen ugu dambayntiina si xaraga leh meeshii uga baxeen, iyado ciidamadu ay goobtaasi buuxaanoy dhoobanyihiin.

MAXAA DHACAY KOLKII LA DILAY SULDAAN SAGAAR XABBADNA FEERAHA AY U GELSHEEN WIIL QARAABADIISO AG JOOGAY MAALMO KAHOR SUCUUDIGA KA YIMID OO ISNA DHAAWICII U DHINTAY 7.00 FIIDNIMO ISLA HABEENKAASI.

Salaadda maqribko dhow goortii Suldaan Sagaar Mad Eenoow Ceelasha-Biyaha JBM lagu dilay, waxaa la geeyay isbitalka BAYAAN Ceelasha-Biyaha JBM, waxaana qaraabadiisu ay tageen saldhigga bilayska ku yaal Ceelasha-Biyaha JBM, waxay dalbadeen waraqadda caddaynta dilkiisi, kadibna ehelkii waa loo diiday in la siiyo warqadda, waxaana taliyaha saldhigga Mudane Haruub uu ku yiri “warqad la idiin siin mayee, qaada maydka hadda geeya CID Muqdisho.”

Ehelkii oo u arkay taasi inay shirqool kale tahay si raadka dilka loo tirtiro iyagana loo laayo, bacdama habeenkii aanay shacbiga u suuragal ahayn in CID ay si fudud ku tagaan, waxay yiraahdeen “Xiligan way nagu adagtahay taliye maydka CID ma gayn karno,” wuxuuna taliye Haruub iyo ciidankiisa oo ku beel ah ay ku yiraahdeen qaraabadii Marxuumka “Haddii aad hadda CID u qaadi waydaan, ogaada warqadda waxaan ku qoraynaa inaad adinku disheen,” iyago handdadaad dheeri ahna loogu soo daray ayay ehelkii isaga soo tageen Saldhiga bilayska umana aysan qaadin maykda CID Muqdisho habeenimadaasi.

Bacdama maydkii inuu soo uro uu soo bilaabay sidayba diinteenu nagu tiri, subixii way iska aaseen Suldaan Sagaar Mad Eenoow gurigiisi dhabta ah ayaa la dhigay qabriga, waxaana duugtii kadib taliye Haruub la waydiistay 2-dii moobayl ee uu lahaa Marxuumka, balse wuu diiday inuu tilifoonada Malaaq Sagaar Mad Eenoow uu siiyo ehelkiisa, walibana xita dadkii ehelka ahaa waa la soo handaday, taasoona si cad loogu qaadanayo, in uu ujeedkoodu yahay macluumaadka ku jira tilifoonada inay ka rogtaanoy tirtiraan si raadka aanu u soo galin, balse warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation loona soo gaabiyo (SMC) ay kaga dheerayso dabagallada iyo waxa ay falayaan intuba sida lagu yaqaan una caadadu tahay qarnigan casriga 21-aad malaayiinta Reer Maayland-na miskexdoodu xorowday dhan kastaba doonayaana in ay xisaabahoodi 1960-maadkii khaldamay ay sidoodi u soo ceshadaan sida Rabbigu laga rajaynayo.

Qofaan waafaqayo aan iga waswaasin waa la waayay walaal qaali ah amar Alle laakiin!!

By. Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here