Faarax Sheikh C/qaadir oo weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo & Kheyre

0
75

Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo ka mid ah mudanaasha dhaliilsan waxqabadka Dowladda Farmaajo ayaa sheegay in mudada saddexda sano ah ee ay jiro Dowladda Farmaajo ay ku dhammeysatay Ugaarsiga Maamuladii dalka kajiray oo Ku dhisnaa Nadaamkii mudada lasoo waday ee federaalka.

Faarax Sheikh C/qaadir ayaa nasiibdaro ku tilmaamay ineysan Dowladda qaadin tallaabo tan iyo markii la doortay oo wali ay taagan tahay in gaadiid qafilan ku maraan wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho.

Qoraak kooban uu soo dhigay Bartiisa Facebooka ayuu aad ugu dhaliilay siyaasadda hoggaamineed ee madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

   Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalkiisa Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir:-

Waxaa Nasiib Darro ah oo weliba ah mid taariikhda dalkaani aan ka maqnaan doonin in Dowladdii Sida Xaqa oo sharciga ah lagu doortay ay muddo xileedkeedii ku dhamaysay Ugaarsiga Maamuladii dalka kajiray oo Ku dhisnaa Nadaamkii mudada lasoo waday ee federaalka.

Nasiib darro kale waxaa ah in dowladdu aysan talaabo qaadin tan iyo maalinkii la doortay ayna Weli taagan tahay oo gawaari qafilan ku maraan wadada Maka almukarama oo Keliya Aysana Jirin Deegaan iyo dhul 4sano kadib dowladdu kala wareegtay Cadowga umadda Soomaaliyeed.

Maanta waxaan soomaalida inteeda caqliga leh ka qarsoonayn in Dowladda iyo Kooxihii argagixisadu isku Milmeen , waxaa Nabad sugidii guud ahaanteed dhex fadhiya Saraakiil Alshabaab oo kamid ahaa kuwii shacabka soomaaliyeed xasuuqay ayaa Dowladda Xilal ka haya maalin walba Hagar daamadii shacabka Kusii wada.

Aamus intaas ka badan Qofka Muwaadinka ah masii aamusnaan karo waxaana waajib nagu ah inaanu Intaas kadib Dowladda kor ugu sheegno inay waddooyin badan oo qaldan Jeexayso aysana Muhiim ahayn in Afka Sii xirnaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here