Fahad Yaasiin oo laga dalbaday inuu is casilo

0
108

Musharraxiinta Madaxweyne qaarkood oo shir ugu soo dhammaaday Magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin in uu iska casilo xilkaasi

MUQDISHO, Soomaaliya – War-murtiyeedkii ay soo saareen ayeey ku sheegeen in Fahad uu Farmajo u yahay madaxa ololaha doorashada, sidaasi darteedna ay haboon tahay in uu meesha banneeyo.

Amniga doorashada ayeey sheegeen in ay muhiim u tahay is casilaadda Fahad Yaasiin, maadaama ammaanka la rabo in si dhex-dhexaadnimo ah loo qabto.

“Iyadoo la cuskanayo mabaadi’da ku xusan dhammaan farqooyinka qodobka 127-aad ee Dastuurka KMG ah, uu taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu banneeyo xilka hoggaamiyaha NISA maadaama uu yahay madaxda ololaha dib-u-doorashada murashaxa madaxweyne ee xilkiisu dhamaanayo, mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, si loo sugo amniga dhex-dhexaadinnimada hay’adda NISA”

Fahad oo ku fashilan howsha NISA ayaa dhanka kale waxa uu doonayaa in dib loo soo doorto Madaxweyne Farmajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here