FARMAAJO oo shir deg deg ah Garoonka Aadan cadde ku leh Wafdi Mareynkan ah

0
66

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan La Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga ayaa xilligan kulan kula leh Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde qeybta Hangarka Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo isugu jira Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM.

Wafdigan ayaa daba socda walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuq maasuq iyo eex howlaha la xiriira dib u habeynta amniga.

Sida wararku aan ku helnay, madaxweyne Farmaajo ayaa lagu adkeynayaa inuu si daahfuran ula macaamilo taageerada Mareynkanka ee arrimaha amniga Soomaaliya si aanay u dhicin eex iyo iyo qaraaba-kiilka la xiriira dib u habeynta Amniga

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga oo horseedaya mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan.

Farriin lagu qoray barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka oo aanay caddeyn cida loo waday ayaa u qornaa sidan:-

“Mareykanak wuxuu taageerayaa dib u habeynta qeybta Amniga Soomaaliya oo horseedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan, musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilka waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga”

Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah, sidoo kale qoraalka ayaa u muuqday farriin toos ah oo ku socday Milateriga Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka DANAB ee uu Mareykanka tababaro oo lagu magacaabayay Ismaaciil oo ku heyb ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here