Farmaajo oo u sheegay Beesha Caalamka in waqti kororsi loo baahan yahay

0
92

Kulan kooban oo barbar socday kulankii sanadlaha ahaa ee Qaramada Midoobay ayaa loo qabtay dowlada Soomaaliya. Kulankaas waxa qaban qaabadiisa lahaa wadamada taageera Urur Goboleedka IGAD.  Inkastoo wadamada muhim u ahaa Soomaaliya ayan ka baaqdeen ka qaybgalka shirkaas hadana Wadamada wakiilada u soo dirsaday shirkaas  waxaa ka mida ahaa Dalalka Talyaaniga, Maraykanka, Itoobiyo.

Kulanka oo ahaa mid iswaraysi ahaa ayaa waxaa qudbad dheer ka jeedaday Madaxweyne Farmaajo kaas oo ka hadlay afar qodob oo waawen, laakiin ay ugu muhiimsaneed arimaha doorashada.  Farmaajo ayaa u sheegay wadamadii ka soo qaybgalay kulankaas  in dalka Soomaaliya ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah.

Dublamaasiyiintii ka soo qaybgashay kulankaas ayaa  aad ula yaabay hadalka Farmaajooo sheegayo in dabayaaqada sanadka danbe  (2020) dalka Soomaliya ay  ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah.

Hadalka Farmaajo ka jeediyay Shirkaas ayuu ku yiri;“  mudanayaal waxaan idin sheegayaa in Dowlada Fedaraalka ay  go’an tahay in ay dalka Soomaaliya ku qabato doorsaho cod iyo qof gaar ahaan dabayaaqada sanadka 2020, Arintaan ayaa ah mid muhiimad gaar ah ay saareyso dowladeeyda, waxaana meel fiican marayaa oo sidii loogu talagalay u socda qaban-qaabada doorashadaas, shacabka Soomaaliyeed waxaa  la diiwaan galinayaa inta u dhaxeeysa bilaha Maarso – Maajo ee sanadka 2020, codka ama doorashada waxa la qabanayaa dabayaaqada sanadka 2020”.

Hadalka ka soo yeeray Farmaajo  oo ah mid aan ka tarjumeeynin xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dalka  Soomaaliya ayaa dadkii ka soo qaybgalay kulankaas ka yaabisay  iyada oo la arkaayay in uu ka been shaagayo xaaalada ka jirta dalka Soomaaliya.

Laakiin hadalka Farmaajo ayaa ujeedadiisa rasmiga  ah  ahayd in uu si dadban ugu sheego beesha caalamka in dowlada qorshe leedahay laakiin hadii qorshahaas suurta galiwaayo (kaas oo ay cadahay in uusan suuragal ahaan donin)  in  ay lama huraan tahay in dowlada Fedaraalka ay samaysato waqti kororsi.

Qaar ka mid dublamaasiyiintii ka soo qaybgashay kulankaas ayaa durbadiiiba ka horyimid damaca Famaajo uu ku doonayo in uu waqti kororsi ku sameeysto.

Ku xiga Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Siyaasada Rosemary Di Dicarlo ayaa u sheegtay Farmaajo in  sida kaliya ee lagu gaari karaa doorasho xalaal ah oo ka dhacda Soomaaliya ay tahay in la helo dowlada goboleedyada iyo dowlada dhexe oo wada socda. Waxaa kaloo oo ay sheegtay in sida kaliya ee Soomalaiya ku horumar kartaa ay tahay in doorasho xalaala ku dhacday waqtigii loogu talagalay.

Waxaa sidoo kale barteeda bulshada  soo dhigtay mid ka mida diblomaasiyiinta  dalka Ingiriiska u joogta Qaramada Midoobay Nerys Cross-Smith oo u sheegtay Farmaajo in hoganaka Soomaaliya u baahan in ay si xaqiiq ah u wajahdo  doorashada 2020 isla markaana uusan iska indha tirin xaqiiqda ka jirta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here