Farmaajo oo Wakiil Gaar ah u magacaabay ina adeerkiis, dacwada Badda kala xaajoonayo Kenya

0
105

Iyada oo mudo ka yar sadax cesho  ka soo wareegatay markii Farmaajo heshiis qarsoodiga ah  ah la galay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta  ayaa maalintii Axada ee bisha Nofeenbar ku beegnayd 17ka waxa uu Madaxweeyne Farmaajo soo saaray Dekareeto uu ku magacaabayo Balal Maxamed Cusmaan oo ay ilma adeer la ah Farmaajo in uu noqdo wakiilka gaarka ah ee Dalka Soomaaliya ee u qaabilsan Arimaha Geeska Africa, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dekareetadaan oo laga qariyay  xubnihii ula safray Farmaajo dalka Kenya iyo guud ahaan Golaha Wasiirada ayaa waxa lagu qoray luuqada afka  Ingriiska si loola wadaago wadamada iyo Hay;’adaha  danaha gaarka kala leh dalka Soomaaliya ee uu Farmaajo la galay heshiiska  qarsoodiga ah.

Sida Warbaahinta SOUTHERN MEDIA loo xaqiijiyay dowlada Kenya iyo Soomaaliya ayaa magacaabi doonta gudiyo labada dhinac ka socda kuwaas oo si dadban uga wada hadli doonaan arimaha dacwada badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here