Gabar Soomaali Ah Oo Loo Magacaabay Wasiirka Haweenka Iyo Caruurta Itoobiya

0
52

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qaatay go’aan la yaab leh kadib markii gabar Soomaali ah uu u magacaabay xubin ka tirsan golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya u  Magacaabay gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Filsan Cabdullaahi Axmed warbaahinta Itoobiya ayaana siweyn arrintaa u hadal heysa.

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa ah Milkiilaha Talafashinka madaxa banaan ee (Nabad TV) ee ka howlgala deegaanka Soomaalida Itoobiya,kaas oo inta badan doorka saara arrimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here