General Odawaa Oo ciidan xoog leh kala degay Garbahaareey

0
29

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybitiisa 43aad gaar ahaana Guutada 10-aad ayaa Salaan Sharaf siiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa oo kormeer shaqo ku tegay maanta magaalada Garbahareey ee Caasimadda Gobalka Gedo.

Soo dhaweynta Taliyaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Degmada iyo guud ahaan dadka deegaanka, booqashadaan ayaa la filayaa inay wax weyn ka badasho qalabaynta iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobalka Gedo oo duruufo adag in muddo ah ku shaqaynayay.

Maalmahaan dambe Taliye Odawaa ayaa kormeer ku jooga Deegaanada Gobolka Gedo oo saraakiisha iyo Ciidanka uu la kulmayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here