Go’aanada Qaraar Ee DFS Mar kale Caawa Qaadatay & Ismuujinta Rooble

0
120

Marka Laga soot ego Saacado ay kulan lahaayeen Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha,Gudoomiyaha G/Banaadir,Madaxweyneyaasha Galmudug & HirShabelle iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxa kasoo baxay Arimo Muhiim Ah.

Waxay Xukuumada Xil gaarsiinta qaadatay Doorkeedii ismuujinta Siyaasadeed,Balse Go’aanada Qaraar ay qaadatay waxaa ka mid ah in Mudaaharaadkii Dawlada lagu diidanaa ay aqbashay inuu dhaco.

Sida la qorsheeyey Banaanbaxaasi ayaa ka dhici doono Fagaaraha Daljirka Dahsoon ooh ore Dawlada udiiday in la iskugu yimaado 19-kii iyo 26-kii Bishii Febraayo 2021-ka.

Go’aanka kale waa in la daba galo Saraakiisha iyo Ciidankii ka qeyb qaatay Isku daygii Dil Ee Shariif,Xasan Sheekh iyo murashaxiintii kheyre ka mid yahay Ee la rasaaseeyey Jimcihii 19-kii Febraayo.

Guddi ayaa loo saaray in ay baaritaan kusameeyaan dhacdadaasi,lamana oga hadii ay cadaato Saraakiisha Weerarkaasi ku lug lahaa in Maxkamad la horgeyn doono iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here