Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool ee JBM.

0
18

Qorshe culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaawday deegaano ka tirsan Maylanda Sida Nasoogaarayso
Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in maanta dhoor deegaan ay duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeymaha oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayaa ka dhacay deegaanada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool ee JBM.
Warbixin uu baahisay Warbaahinta SMC ayaa lagu shaaciyey in duqeymahaas lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, in kastoo aan weli lasoo bandhigin tiro rasmi ah oo lagu dilay duqeymahaas
Warbixintan waxaa lagu sheegay inay bilaawdeen dadaalo lagu dabar goonaayo alashabaab waa siday hadalka udhigeen saraakiisha Soomaaliyeed xogaaminaayo ay Al-Shabaab uga sifeynayaan gobolka Bakool oo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanadiisa ay qaar heystaan Al-Shabaab, qaarna go’doomiyeen.
Duqeymahaan maanta ka dhacay deegaanadaas ka tirsan Bakool waxay ku soo aadayaan iyadoo xalay duqeyn kale oo la sheegay in lagu dilay xubno Shabaab ah ay ka dhacday deegaan lagu magaaco Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Lafta Gareen ayaa intii uu ku sugnaa Xudur waxuu dadka reer Bakool u sheegay in maamulkiisu uu ku dhaqaaqi doono tallaabo gobolkaas looga xoreynayo Al-Shabaab, si noloshii aas-aasiga aheed ee bulshada gobolka ay dib ugu soo noqoto waa siduu hadalka udhigay.
Duqeymahaan ka bilaawday deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Bakool ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ku yimaadeen, si wax looga bedelo go’doonka 9-sano jirsaday ee Al-Shabaab ay ku hayaan inta badan gobolka Bakool iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Jamhuuriyada Barakaysan ee Mayland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here