Golaha Ammaanka ee QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

0
30

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 15-ka October, 2020 in ay Shir  xasaasi ah ka yeeshaan xaalada Soomaaliya gaar ahaan  warbixin laga gudbiyey Soomaaliya.

Warbixinta oo ay diyaariyeen lix khuburo fadhigoodu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi, waajibaadkooduna yahay dabagalka dhacdooyinka Soomaaliya ayaa ku saabsan ku dhex-milanka Al-Shabaab ee nidaamka maaliyada Soomaaliya.

Warbixinta ay diyaariyeen xubaha fadhigoodu yahay Nairobi ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxeysay December, 2019 illaa August, 2020 ay uruursatay $13 milyan oo Doolar Al Shabaab gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa   mararka qaar waxaa ay kulamo ka yeeshaan xaalada Soomaaliya, waxaana warbixino looga dhageystaa Wakiiladooda Soomaaliya, iyaga oo gudbiya xaaladaha kajira dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaa inay lacag aad u farabadan ka qaadaan Ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool degaannada ay maamulaan iyo kuwa ku ganacsada degaannada ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here