Golaha Ammaanka ee QM oo Shir deg deg ah ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

0
64

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ku ku saabsan xaalada dalka  Soomaaliya ku yeelanaya Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York

Kulanka  xubnaha ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana la sheegay in shirka uu bilaaban doono 6:00 p.m. (Xilliga Muqdisho) .

Shirka ayaa waxaa warbixin la xiriirta xaalada siyaasadeed, mid doorasho iyo mid amni ee xilligaan dalka lag dhageysan doonaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa siweyn waxaa ay uga hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo xilligaan uu khilaaf ka taagan yahay, iyaga oo soo saari doona baaq ku socda saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Dhawaan Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay sheegeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka iyo is afgaradka si horay loogu sii wado howlaha doorashooyin loo dhanyahay.

Kulankaan deg dega ah oo ay xaalada Soomaaliya ka yeelanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Maalintii saddexaad uu shir uga socdo muqdisho, iyaga oo qaadacay guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here