Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay shirkii uu iclaamiyay Farmaajo

0
46

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soojeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2020 lagu qabto Magaalada Muqdisho, halka Farmaajo uu dalbaday in lagu qabto Magaalada Garoowe.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi uu codsanayo inay goobjoog ka ahaadaan Ururada bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka si looga arrinsado badbaadada dalka heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay.

“ Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha iyo kana Baarlamaanka Federaalka, iyad aoo an hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadeed ayaan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda, dowlad Goboledyada & Gobolka Banaadir arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu taageerayo  go’aan walbo oo dalka lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaas oo ay soo saaraan Musharixiinta xilka Madaxweynaha, dowlad Goboleedyada dalka, Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka.

Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli loo balansan yahay in markale la qabto shir u dhaxeeya Madaxda dowladda, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo uu xalay iclaamiyay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here