Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanle-weyn oo goor dhow qarax lagu dilay

0
49

Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose waxaa fiidnimadan caawa halkaas lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca Maaliyada ee degmadaas ka dib qarax ka dhacay hoygiisa.

Maxamed C/llaahi Koosto ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray bam gacmeed lagu tuuray hoygiisa oo ku yaalla degmada Wanle-weyn.

Qaraxan ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ku dhaawacmay masuulka geeriyooday aabihiis iyo haweeney ay qaraabo yihiin oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa guriga, kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada amaanka maamulka degmada Wanle-weyn ayaa gaaray dhismaha bamka lagu weeraray halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyey qaraxaas oo la aaminsan yahay iney a dambeysay kooxda Al-shabaab oo weeraradan oo kale ku caan baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here