Guddoomiye Najax oo la kulmey Odayaasha Dhaqanka Awdheegle

0
32

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Maanta kulan la qaatey qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka & Bulshada degmada Awdheegle ee Gobolkaas.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii Bulshada & Odayaasha Dhaqanka ula Shaqyen lahaayeen Ciidanka Dowladda iyo xog wareysi ku saabsan baahida ay qabaan dadka degmada.

“Waxaan kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan Aw-dheegle,innagoo ka xog-wareysanay baahiyaha ay qabaan iyo sida ay u la shaqeeyaan ciidanka Xooga dalka iyo Amisom ayuu yiri”Guddoomiye Najax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose in degmada Aw-dheegle ay ka hirgelin doonaan mashaaric hormarineyd,isaga oo u mahad celiyey Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here