Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Diiday Guddiga Doorashooyinka Ee Rooble Magacaabay

0
70

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxa uu soo saaray Warsaxaafadeed uu kaga hadlayey Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafkaadka Ee Ra’iisal Wasaare rooble Magacaabay.

Waxa Cabdi Xaashi uu sheegay inaysan aqoonsan doonin wax walbo oo guddigaan soo saaraan maadaama aan lagu soo darin Xubno Afar Ah oo Ra’iisal Wasaare Rooble ugudbiyey.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan lagu kalsooni qabi Karin Guddigaan Rooble soo magacaabay iyadoo Xubnihii Gobollada Wuqooyi umeteli lahaa la iska reebay.

Lama oga halka ay tani ku dambeyn doonto xilli 25 Xubnood Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo 21 Xubnood Oo Guddiga Xalinta Khilaafaadka La magacaabay tiradooduna tahay 46 Xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here