Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

0
49

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay Wehliyaan Labada golle maamulka iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Barlamanka Federaalka Soomaaliya  Maxamed Mursal.

Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya, kuwaasoo degaan doorashoodu ay tahay Magaalada Koonfur Galbeed.

Socdaalka wafdiga ayaa ah ka qeybgalka Sanad guurada Labaad Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku Beegan 19/12/2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here