Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa goordhow lagu qabtey doorashada guddoomiye kuxigeenada 2-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana codeynayey 89 Xildhibaan ee Maamulka Galmudug.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Fadumo Cabdi Cali & Maxamed Axmed Maalin,waxaana ku guuleystay Faadumo sidda ay sheegeen Guddiga.
Doorashada Guddoonka baarlamaannka Galmudug ayaa soo dhamaatay , waxaana la doortay Gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad.